4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 3 , 2021
Wasaaradda caafimaadka oo shaacisay in ka badan 200 kiis oo Covid-19 ah iyo dhimashada 11 qof
 

Arbaco, Maarso, 03, 2021 (HOL) - Tirada kiisaska cudurka Covid-19 iyo dadka u geeriyoonaya gudaha Soomaaliya ayaa sii kordhaysa maalinba maalinta kasii dambeysa, haba ugu badnaadeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

24-saac ee lasoo dhaafay, wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinteeda maalin laha waxay ku diiwaan galisay 209 kiis iyo dhimashada 11 qof oo hor leh.

181 kiis oo kamid ah kiisaskaan ayaa laga helay magaalada Muqdisho oo hadda laga dhaqan galinayo awaamiir culus oo lagu xakamaynayo faafitaanka cudurka Covid-19, oo xaaladdiisu ay haatan meel adag ay marayso.

Wasaaradda caafimaadka waxay kaloo warbixinteeda ku sheegtay in ay 21 qof ka bogsadeen cudurka.

Waxaa laga cabsi ka qabaa in uu dalka soo gaaray nuuca cusub ee Coronavirus, waxayan dowladdu ka war sugaysaa baaritaanno dibadda loo diray oo dhawaan la helidoono.

Inkastoo cudurka si aad ah u faafayo haddana weli dadka Soomaaliyeed si dhab ah uguma baraarugsana halista cudurka iyo sida dadku ugu geeriyoonayaan maalin kasta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]