7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 25, 2021
Dowladda federalka oo Puntland ku eedeeysay in ay awood ciidan u adeegsatay dad si nabad galyo ah ugu mudaharaadayay Dhahar
 

Khamiis, Maarso, 25, 2021 (HOL) - Wasiirka qorshaynta Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay rasaas iyo qoryaha darandooriga u dhaca oo ay ciidamada Puntland u adeegsadeen dad si nabad galyo ah ugu mudaharaadayay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag.

Wasiirka qorshaynta ayaa hadalkiisa ku sheegay in Puntland aay horay u xir xirtay weriyayaasha ay haatana dadka rayidka ah u adeegsanayso xabbad, si loo caburiyo in ay dareenkooda muujiyaan.

Wuxuu eeda arrintan dusha uga tuuray madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulllaahi Deni, isagoo sheegay in lagu la xisaabtami doono.

Dhinaca kale, afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Dabaraani ayaa ku eedeeyay wasiir Jamaal iyo madaxweyne Farmaajo in ay abaabuleen banaabaxa si ay fowdo uga kiciyaan Dhahar, Laakiin wuxuu sheegay in aysan noqon sida ay rabeen.

Guddoomiyaha degmada Dhahar Cabdi Fitaax Maxamed Salaad oo isagana warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in kacdoon laga soo abaabulay dowladda federalka ay iska caabiyeen.   

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online