7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 22, 2021
Somaliland oo bulshada waajib kaga dhigtay xidhashada afsaabka (facemask)
 

Isniin, Maarso, 22, 2021 (HOL) - Gudida ka hortaga caabuqa Covid-19 ee Somaliland ayaa sheegay in maanta laga bilaabo ay qasabtahay xidhashada afsaabka (facemask).

Wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo akhriyay amarada ay guddidu soo saaartay ayaa sheegay in afsaabku waajib yahay hada kadib.

“Si looga hortago faafitaanka Covid-19 ee bulshada dhexdeeda, xidhashada afsaabku cid walba waa ku waajib” ayuu yidhi waasiir Khaliil.

Wasiirka ayaa sheegay in ay waajibtahay xidhashada afsaab ku dhamaan goobaha layskugu yimaado sida suuqyada, iskuulada, masaajidada, iyo gaadiidka dadwaynahaba.

Wasiirka ayaa sheegay in cid kasta oo u hogaansami wayda xidhashada afsaabka, loo aqoonsan doono cid xanuunka si u kas ah u faafinaysa.

“Cidkasta oo u hogaansamiwayda xidhashada afsaabka, waxa loo aqoonsanaya in uu yahay qof dhiirigalinaya, faafitaanka cudurka” ayuu yidhi wasiir Khaliil.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sidookale sheegay in amaradan cusub ay kamid yihiin kala fogaanshaha bulshada.

“Dhamaan bulshada waxa lagu wargalinaya in ay dhawraan kala fogaanshaha, ugu yaraan 2 mitir” ayuu yidhi wasiir Khaliil.

Waa sidee xaalada Covid-19 ee gudaha Somaliland?


Tirada guud ee dadka laga baadhay caabuqa tan iyo markii  uu dilaacay waa 35662 qof.  Tirada guud ee ka bogsatay caabuqa waa 1978 qof halka tirada guud ee dhimashaduna ay tahay 104 qof.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]