4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 2 , 2021
Puntland iyo Jubbaland oo ku taliyay in fursad la siiyo shirka u socda raysal wasaaraha iyo golaha midowga musharrixiinta
 

Talaado, Maarso, 02, 2021 (HOL) - Puntland ayaa walaac ka muujisay in madaxweyne Farmaajo qoraalada uu soo saarayo ay carqaladeynayaan dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi socodka qabsoomidda doorashada Barlamaanka iyo Madaxweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Puntland waxay sheegtay, in dadaalada ay wadaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta ay yihiin kuwo u gogol xaaraya jawi ay ku qabsoomi karaan shirar looga wada hadlo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.

Sidoo kale, Puntland waxay caddeysay in ay diyaar u tahay ka qaybgalka shirka Muqdisho ka dhacaya ee xalka loogu raadinayo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay oo ku qotonta heshiiskii 17 September 2020.

Balse, waxay soo jeedisay in shirku uu ka dhaco garoonka diyaaradaha Magaalada Mugdisho, iyadoo Xafiiska Qaramada Midowbay iyo AMISOM ka filaysa inay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka.

Dhinaca kale, Dowlad gpboleedka Jubbaland ayaa qaadatay mowqif lamid ah midka Puntland, waxayna sheegeen in fursad la siiyo oo la taban taabiyo shirka raysal wasaaraha iyo golaha midowga musharrixiinta ay leeyihiin.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo bartiisa twitterka qoraal kooban soo dhigay ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaar u yihiin in ay shirka Muqdisho ka qeyb galaan, waa haddii lagu qabanayo meel amaankeeda lagu kalsoon yahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]