4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 2 , 2021
Guddida doorashooyinka Somaliland oo war kasoo saaray musharixiinta xilalka ka haya
 

Talaado, Maarso, 02, 2021 (HOL)- guddida doorashooyinka ee Somaliland ayaa ugu baaqaay musharixiinta xilalka ka yaha hayadaha dawlada in ay u baneeyaan xilalka si kama danbays ah.

Warsaxafadeed kasoo baxay xafiiska guddida doorashooyinka ayaa lagu sheegay in mudadii uu sharcigu u ogolaa musharixiinta xilalka haya in ay sii joogaan xafiisyada ay dhamaatay.

Warsaxafadeedka ayaa lagu yidhi " sida aynu wada ognahay waxa dalka kusoo fool leh doorashooyinka isku sidkan ee golayaasha wakiilada iyo deegaanka oo ku mudaysan 31 bisha May.

Qabsoomida doorashooyinku waxay farayaan musharixiinta u taagan doorashooyinka in ay banneeyaan xilalka ay ka hayaan haayadaha qaranka.

Waxa xeerka guud ee doorashooyinka xeer l.r 91/2020 waajibinayaa in shaqaalaha dawlada, ciidamada qaranka iyo hay adaha dawliga ah loo ogolayn in ay is sharaxaan hadii anay shaqo katagis soo qorin 90 cisho kahor qabsoomida doorashada".

Warsaxafadeedka ayaa lagu sheegay in wakhtigii loo ogolaa in mushariinta xilalka hayaa ay sii joogaan xafiis yadooda ay ku egtahay maanta oo ay taarikhdu tahay 2 bisha Maarso 2021.

 

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]