4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 2 , 2021
Shil gaari oo maanta ka dhacay inta u dhaxaysa Jigjiga ilaa Dhagaxbuur
 

Talaado, Maarso, 02, 2021 (HOL) - Meel u dhaw tuulada Cobolle oo ka tirsan degmada Dhagaxbuur ee Degaanka Soomaalida ayaa maanta waxaa ka dhacay shil gaari oo khasaaro nafeed keenay.

Shilkan ayaa sida ay wararku sheegayaan waxa uu ka dhashay kaddib markii ay isku dhaceen gaari Bas ahaa iyo Isjiid, baska ayaa waxa uu ka yimid dhinaca Jigjiga isagoo usocday magaalada Dhagaxbuur.

Wali lama ogaan waxa sababay inay isku dhacaan gawaaridan iyo khasaarihii ka dhashayba, balse inta badan waxaa dhacda in xawaaraha ay ku socdaan inta badan gawaaridu ay sababtu shilalka noocan oo kale ah, taas oo keenta inay kadhashaan shilalkaasi khasaaro nafeed.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]