4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 2 , 2021
Madaxweyne Deni oo iska fogeeyay inuu xidhiidh arrimaha doorashada ah kala dhexeeyo golaha midowga musharrixiinta
 

Talaado, Maarso, 02, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo wareysi siinayay Universal tv ayaa iska fogeeyay inuu la safan yahay golaha midowga musharrixiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Deni waxa uu sheegay in aanu jirin wax xidhiidh ah oo arimaha doorashada quseeya oo kala dhexeeya musharrixinta, balse wuxuu caddeeyay in ay ka xun yihiin in laga hor istaago xuquuqda dastuuriga ah.

“Musharrixiinta anaga lama socono, mana taageerin, waa muwaadiniin qaarkood dalka soo xukumay, laakiin waxaan wax kasoo saarnay markii labadii madaxweyne ee dalka soo maray hotelkoodii lagu xabbadeeyay,” ayuu yiri Deni.

Deni wuxuu sheegay wada hadalka hadda u socda xukuumada federalka iyo golaha midowga musharrixiinta in ay yihiin waxyaabihii kasoo baxay qeylo dhaantoodii ku aadanayd in la saxo dhibaatadii dhacday 19 february.

Sida hadalka madaxweyne Deni laga fahmayo. Puntland dhibaato uma aragto in musharrixiinta aanay ka qeyb ahayn dhammaaan shirarkii dhexmaray dowladda federalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]