4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 2 , 2021
Hogaamiyaha xisbiga Wadani “Wasiirka arrimaha dibadu ha is caliso”
 

Talaado, Maarso, 02, 2021 (HOL)- Hogaamiyaha xisbiga Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa wasiirka arrimaha dibada Somaliland ugu baaqay in uu is casilo madama oo uu yahay musharax u taagan golaha wakiilada.

Hogaamiye Xirsi oo ka hadlayay xaflad uu xisbiga mucaarad ka ah ee Wadani kusoo dhawaynayay musharax ayaa wasiir Faratoon ugu baaqay in uu is casilo.

“Waxa muuqata in ay siyaasiyiin u soo badheedheen in ay saxada idinkula tartamaan, oo wasiirka arrimaha dibadu ka midyahay, wasiirku haduu tar tamayo yaanu waxa dawlada ku tar tamine xilka hayska casilo” ayuu yidhi hogaamiyuhu.

Sidokale hogaamiye Xirsi ayaa masuuliyiinta musharixiinta ah ku eedeyay in ay isticmaalayaan xoolihi dawlada.

“Iska dhiga gadiidka dawlada ee lagu tartamayo, waxaynu wada joognay Laascaanod, gaadiidkii dawlada ayaa lagu tartamayaa, xoolihi dawlada iyo xafiiskii dawlada”. Ayuu yidhi hogaamiyuhu.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]