4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 2 , 2021
Golaha midowga musharrixiinta oo ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo inuu ka fashilinayo wada hadalada u socda xukuumada iyo mucaaradka
 

Talaado, Maarso, 02, 2021 (HOL) - Golaha midowga musharrixiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku eedeeyay madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Farmaajo inuu fashilinayo wadahalada u socda iyaga iyo raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Musharrixiinta ayaa lagu sheegay shirka farmaajo uu shaaciyay mid lagu carqaladaynayo shir khamiista dhexmari lahaa raysal wasaaraha iyo midowga musharrixiinta kaasoo looga hadlayo kaalinta musharrixiinta ku leeyihiin wadahadalada doorashada iyo amniga.

Musharrixiinta waxay ka digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta in la fashiliyo shirkaas, iyagoo raysal wasaaraha iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ugu baaqay in aysan qeyb ka noqon tallaabooyinka madaxwaynuhu ku dhaqaaqayo.

Waxay sidoo kale caddeeyeen in uu qabsoomayo mudaharaadka ay ku baaqeen oo maalinta sabtida ah ka dhicidoona daljirka Dahsoon, waxayna shacabka ka dalbadeen inay kasoo qeyb galaan oo taageeraan mowqifkooda.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]