4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 2 , 2021
Mareykanka oo madaxda Soomaalida ugu baaqay in ay deg deg u kulmaan

 

Talaado, Maarso, 02, 2021 (HOL) -Qoraal kooban oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa loogu baaqay madaxda Soomaalida in ay si ugu dhaqsiyaha badan kulmaan.

Qoraal kooban oo la soo dhiggay bogga Twitter ka ee safaaradda ayaa lagu yiri'' Waqtigu wuxuu socdaa, waa in madaxda Soomaalidu ay hadda kulmaan, si ay u gaaraan go'aan u fiican umadda Soomaaliyeed loona dhameystiro wadahadallada doorashooyinka''

Warka safaaradda Mareykanka ka soo baxay ayaaa imanaya iyadoo beesha caalamku wadajir u bogaadiyeen dadaallada socda  iyo wadahadallada dhinacyada Soomaalida ee la doonayo in lagu xalinayo dhamaanba khilaafaadka ka jira doorashada dalka.

Sidoo kale baaqa Mareykanka ayaa imanaaya xilli madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shir hal maalin ah ku baaqay Khamisita oo ay taariikhdu ku beegan tahay 4-ta March, isagoo sheegay in la rabo in lagu saxiixo kaliya is fahamkii lagu gaaray Baydhaba.

Beesha caalamka ayaa u muuqata xiligan in ay cadaadis weyn ku saareyso dhinacyada Soomaalida in ay heshiis kama danbeys ah ka gaaraan arrimaha doorashooyinka dalka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]