4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 2 , 2021
Mahad Salaad'' Dibadbaxa waxaa suurtagal ah in aan waqtigiisa ka soo hormarinno

 

Talaado, Maarso, 02, 2021 (HOL) - Iyadoo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku baaqay shir maalinta Khamiista ah ka dhacay magaalada Muqdisho kaa looga wada hadlayo arrimaha doorashada, ayaa dhinaca kale waxaa ay mucaaradku ku eedeynayaan madaxweynaha in uu carqaladeynayo heshsiiska Xukuumadda iyo Midowga Musharixiinta.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ahaa siyaasiyiintii mucaaradka ee ka qeybgalay shirkii Ra'iisal Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in shirka uu ku baaqay madaxweynuhu yahay mid lagu carqaladeynayo dibadbaxa ay wada qorsheynayaan Xukuumadda iyo Midowga Musharixiinta.

Mahad Salaad ayaa sheegay in sababta uu shirka ugu baaqay madaxweynuhu yahay in uusan dhicin dibadbaxa, isaga oo taa badalkeeda sheegay suurtagalnimada in ay ka soo hormariyaan isku soo baxa maalintii ay markii hore u qorsheeyeen ee Sabtida toddobaadka danbe.

''Mar haddii uu madaxweynuhu doonayo in uu carqaladeeyo dibadbaxa Sabtida soo socda la qorsheynayo, maxaa diidaya in aan Annagana ka soo hormarino oo ka dhiganno Arbacada ama Khamiista'' ayuu yiri Mahad Salaad.

Ra'iisal Wasaaraha Rooble iyo Midowga Musharixiinta ayaa xalay wadajir u magacaabay guddi isku dhaf ah oo ka shaqeyn doona sida ay hadalka u dhigeen dibadbaxa ay qorsheynayaan mucaaradka in ay ku qabsadaan magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]