4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 2 , 2021
Madaxweyne Farmaajo oo mar kale ku baaqay shir lagu dhameystirayo wadahadalada Doorashooyinka

 

Talaado, Maarso, 02, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale shir isugu yeeray madaxda dowlad gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir.

War ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa  lagu sheegay in kulanka oo hal maalin soconaya uu ka dhici doono magaalada Muqdisho, waxaana looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020.

Ugu dambeyn War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya  ayaa waxaa lagu sheegay in  Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad wayn siinaysao hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta.

Madaxweynaha ayaa horey sidan oo kale ugu baaqay shir ka dhacaya magaalada ;Muqdisho, hasse ahaatee waxaa ka biyo diiday oo madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]