7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 18, 2021
James Swan '' Shirka dhawaan furmaya waa mid muhiim u ah xal u helida khilaafka doorashada

 

Khamiis, Maarso, 18, 2021 (HOL) - Wakiilka xoghayaha guud ee Qarramada Midoobey James Swan ayaa sheegay in khilaafka doorashada ee muddo dheerba soo socda uu cuuryaamiyay howlihii kale ee muhiimka u ahaa dowladnimada Soomaaliya.

Isaga oo wareysi siinayay VOA ayuu sheegay in shirka qabanqaabadiisu leedahay beesha caalamka uu dhawan ka furmayo goobta loogu talagalay oo amaankiisa ay sugayaan ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM.

Wuxuu sheegay Mr Swan in uu rajo wanaagsan ka qabo in wadahadalladan dhinacyada Soomaalida  noqdaan kuwo guuleysta madaama lagu qabanayo goob amaan ah oo dhinacyado oo dhan ku kalsoonaan karaan.

'' Waxaan  bixin doonnaa dhaqaalaha Gobollada dalka looga keenayo Ergooyinka maamul goboleedyada dalka, sidoo kale AMISOM waxaan kala shaqey-neynaa sugidda Ammaanka, markan waxaan rajeynayaa in wada-hadalladani ay sii socdaan, iyaga oo ka dhacaya meel ammaan ah, sida ay isku raaceen madaxda Soomaalida” ayuu yiri Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan. 

Magaalada Muqdisho waxaa hadda ku sugan madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabeelle, iyadoo uu wali ka maqan yahay madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxweynayaasha ayaa marka ay ku soo dhameystirmaan magaalada Muqdisho waxaa la filayaa in uu furmo shirkan oo siweyn isha loogu wada hayo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]