7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 17, 2021
Madaxweynihii dalka Tanzania John Magufuli oo geeriyooday
 

Arbaco, Maarso, 17, 2021 (HOL) - Madaxweynihii dalka Tanzania John Magufuli ayaa caawa geeriyooday, sida ay shaacisay madaxweyne ku xigeenka dalkaasi, kadib todobaadyo aan la hubin caafimaadkiisa iyo halka uu ku sugnaa.

Madaxweyne ku xigeenka, Samia Suluhu Hassan oo khudbad ka jeedinaysay telefishinka dalkaas, ayaa sheegtay in madaxweynaha 61 jirka ah uu u dhintay "wadno xanuun", oo uu la il darnaa muddo toban sano ah.

Magufuli ayaa markii ugu horaysay muddo kooban la dhigay isbitaalka Wadnaha ee Jakaya Kikwete bishii Maarso 6, laakiin markii dambe ayaa la fasaxay.

Laakiin mar labaad ayaa loola cararay isbitaalka 14-kii Maarso ka dib markii uu dareemay caafimaad daro.

Geeridiisa markii lagu dhawaaqay, hogaamiyaha mucaaradka Tanzania Zitto Kabwe ayaa sheegay inuu la hadlay madaxweyne ku xigeenka si uu uga tacsiyeeyo geerida Magufuli.

"Ummaddu waxay ku xusuusan doontaa kaalintii uu ka qaatay horumarka dalkeenna," ayuu hoggaamiyaha mucaaradka Zitto Kabwe ku yiri qoraal uu dhigay bartiisa Twitter-ka.

Sida uu qabo dastuurka Tansaaniya, madaxweyne ku xigeenka Samia Suluhu Hassan, oo 61 jir ah, ayaa qabanaysa xilka madaxweynaha inta ka dhiman muddada shanta sano ah ee Magufuli ka dib markii uu sanadkii hore ku guuleystay doorashadii labaad.

Magufuli wuxuu markii ugu dambeysay meel fagaare ah ka soo muuqday 27-kii Febraayo iyadoo saraakiisha ugu sareysa dowladda ay beeniyeen inuu xanuunsan yahay.

Magufuli wuxuu muddo dheer hoos u dhigayay halista COVID-19, isagoo ku booriyay reer Tansaaniya inay isticmaalaan dawooyinka maxalliga ah si ay isaga ilaaliyaan cudurka.

Waxaa lagu xasuustaa in uu diiday inuu xirto Af-saabka ama uu qaato tallaabooyinka xayiraada.

Laakiin toddobaad ka hor markii u dambaysay ee la arko, Magufuli wuxuu qirtay inuu wali fayrasku sii faafayo, ka dib markii madaxweyne ku-xigeenkii ismaamulka Zanzibar la shaaciyay inuu u dhintay COVID-19.

Magufuli oo lagu naanayso "Bulldozer", waxaa loo doortay 2015 madaxweynaha Tanzania.

Wuxuu ka dhabeeyay balanqaadyo ah inuu wax ka qabanayo musuqmaasuqa iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Wuxuu markii labaad ku guuleystey codbixin muran dhalisay sanadkii hore.
   

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]