Qarreennada Soomaaliya ''Kenya waxey rabtay in si tabarruc ah loo siiyo qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya

 

Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) - Qarreennada u dooddayay dhinaca Dowladda Soomaaliya ayaa gudaha maxkamadda ICJ ka sheegay in mar walba dowladda Kenya dooneysay in si sulux ah wax lagu xaliyo, iyada oo ka warwareegeysa in cadaallada lagu kala baxo.

Qarreennada ayaa  sheegay in Kenya dooneysay in si tabarruc ah loo siiyo qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya iyaga mar walba ka soo horjeeday in xukun sharci ah lagu kala baxo.

Waxaa ay meesha ka saareen warka ku saabsan in hadda ka hor labada dowladdood ogolaashiyo ka gaareen arrinta Badda, laakiin inta ay ogyihiin uusan jirin heshiis toos ah iyo mid dadban oo marnaba Soomaaliya iyo Kenya ka gaareen xudduud Baddeedka u dhaxeeya labada Waddan.

Hadallo Kenya marar badan oo hore ka soo yeeray ayeey ku tilmaameen in ay ahaayeen kuwo is burinaya, iyaga oo mar sheegay in uu heshiis jiray, mar kalana sheegay in uu jiro khilaaf arintan ku saabsan, oo ah marka la eego erayo iska horimanaya.

Dacwadda oo goor dhaw soo dhamaatay ayaa lagu waddaa in maalinta berri ah leysugu soo laabto,, iyadoo dhinaca Soomaaliya ay sheegeen in doodda Kenya marnaba wax rajo ah laheyn.

Doodda maanta waxaan ka maqnaa dhinaca Kenya oo iyagu ka cudurdaartay ka qeybgalka dacwadda, hasse ahaatee maxkamadda ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay tallaabada ay qaadday Kenya, balse taa badalkeeda ay hayaan qoraallo iyo dukumiintiyo ku filan dooddda Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda rajo badan ka qabta in natiijadu noqon doonto in guusha dacwadda ay dhankooda raacdo, laakiin mar walba guusha iyo guuldarradu waxaa ay ku xiran tahay go'aanka ay maxkamaddu qaadato.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]  







Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL)-madaxwyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in laga helay xanuunka Covid 19.

Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) Muddo dheer oo ay soo jiitameysay dacwadda Badda ee ka dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo Kenya waxey hadda u muuqata mid la soo gaaray heerkeedii gabagabada, iyadoo ugu danbeyntiina loo xukumi doono labada dal midkood.

Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL)- Dakada magaalada Berbera ayaa lasoo dagtay wiishash ka alaabada lagaga rogo maraakiibta ee loo yaqaano (port cranes).

Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL)- Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa samaynaysa sahamin lagu ogaanayo tirada dadka uu caabuqa Covid 19 haleelay.

Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) - Puntland ayaa maxkamad la tiigsanaysa haweenay la sheegay in ay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha kula kacday gabadh 12 jir ah oo uga shaqeynayay gurigeega oo ku yiilay Gaalkacyo.

Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) - Kooxda Alshabab ayaa bilowday in ay sii daayaan wareysiyo taxanne oo ay ka qaadeen maxaabiistii ay kusoo furteen weerarkii xabsiga magaalada Bosaso ee maamulka Puntland.

Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa saakay gubay gaari waxyaabaha qarxa ay kasoo buuxiyeen kooxda Alshabaab oo lagu diyaarinayay degaanka Tooratoorow ee gobolka Sh/hoose.

Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) - Waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray tallaalka Covid-19 oo tiradiisu yahay 300,000, looguna talagalay shaqaalaha caafimaadka ee safka hore ku jira iyo dadka kuwa ugu nugul ay xaaladdooda caafimaad liidato sida ay ku taliyeen guddiga qaran ee kahortagga COVID-19.

Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw kasoo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho diyaarad sida tallaalka loogu talo galay in loo qaato Cudurka halista badan ee COVID-19 oo bilahii lasoo dhaafay si aad ah ugu soo laba kacleeyay gudaha dalka Soomaaliya.

Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa weerar kulul oo dhanka afka ah ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Taliyaha Nabadsugida Soomaliya Fahad Yaasiin.

Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Dowlad Gobolleedka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in aysan ka warqabin dhinacooda shir ka dhacaya xarunta Xalane oo ay garwadaan ka yihiin beesha caalamka.

Isniin, Febraayo, 15, 2021 (HOL)- Safiirka Taiwan ufadhiya Somaliland Allen C. Lou ayaa u sacaba tumay wakiilka Imaraat ku usoo magacabay Somaliland.

Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) -Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xoogagga Ururka Al-shabaab xalay weerar culus ku qaadeen degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Isniin, Maarso, 15, 2021 (HOL) - Inkastoo dowladda Kenya ay sheegtay in aysan ka qeybgali doonin dhageysiga dacwadda kiiska Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, haddana maxkamada ICJ oo dacwaddani hortaalo ayaa ku adkeysaneysa in ay gudagali doonto dhageysiga doodda arrintan ku saabsan.

Somali News

3/15/2021 10:07 AM EST
After withdrawing its troops from Somalia, the United States said al-Shabaab’s capability to carry out full-scale attacks in Kenya have been significantly degraded.

3/15/2021 6:30 AM EST
MOGADISHU (HOL) - Somali military has said it killed 15 Al-Shabaab militants in Luuq town in Gedo region Sunday following heavy fighting

3/15/2021 5:42 AM EST
The Foreign Affairs Ministry will today issue a statement on Kenya’s stand on the maritime dispute with Somalia that is before the International Court of Justice (ICJ).

3/15/2021 4:22 AM EST
Mogadishu (HOL) - The first doses of the World Health Organization's global vaccine-sharing program COVAX has landed in Somalia on Monday, marking a crucial step in the fight against the virus as deaths continue to rise.

3/15/2021 1:48 AM EST
Mogadishu (HOL) - The International Court of Justice is scheduled to begin hearing the oral arguments in the maritime dispute between Somalia and Kenya, despite the latter pulling out of the proceedings in protest after being denied a fourth extension to postpone the case.

3/15/2021 12:54 AM EST
Through aggressive testing and stringent measures to curb the disease, the city has consistently lower rates of infection and deaths.

3/15/2021 12:46 AM EST
On Monday, the United Nations’s highest court is due to begin hearings on a maritime boundary dispute between Somalia and Kenya, after years of delays in a case that has strained the neighbours’ diplomatic relations.
Click here