7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 10, 2021
Raysal Wasaare Rooble: Cali Mahdi wuxuu ahaa oday Soomaaliyeed oo kaalin weyn ka soo qaatay dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed
 

Arbaco, Maarso, 10, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Cali Mahdi Maxamed oo maanta  ku geeriyooday Nairobi.

“Waxaan geerida Madaxweynihii hore uga tacsiyeynayaa qoyskii uu ka baxay, asxaabtiisii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle uga baryay in uu Jannadiisa Firdows ka waraabiyo, ehelkiisii iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeedna uu Samir iyo iimaan ka siiyo.

Cali Mahdi Maxamed ayaa ahaa madaxweynihii 4aad ee Soomaaliya, waxa uu sidoo kalena ahaa ganacsade iyo oday Soomaaliyeed oo kaalin weyn ka soo qaatay dib u heshiisiinta iyo isu soo dhaweynta dadka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaban qaabinaysa aas qaran oo marxuumka loogu sameynayao Muqdisho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]