7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 10, 2021
Duqii magaalada Bosaso oo shaqadiisii iska casilay kadib shaqo joojintii uu madaxweynaha Puntland ku sameeyay
 

Arbaco, Maarso, 10, 2021 (HOL) - Duqii Bosaso ee xalay madaxweyne Deni uu shaqada ka joojiyay ayaa caawa iska casilay xilkiisa, kadib markii uu goor dhowd shir jiraa’id ku qabtay magaalada Bosaso.

Cabdisalaan Bashiir Cabdisalan ayaa sidoo kale sheegay inuu iska casilay xubintii golaha deegaanka Bosaso.  

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu soo dhoweynayo baarista loo diray Hantidhowrka guud ee Puntland.

Wuxuu sheegay inuu horay hanti dhowrku baaris ugu sameeyay xafiiiskiisa uuna ku kalsoon yahay natiijo kaste oo ay soo saaraan.

Madaxweynaha Puntland ayaa duqii hore ee Bosaso shaqada kaga joojiyay arrimo la xiriira ku dhaqan la’aanta maaraynta nidaamka maaliyaddeed ee degmada Bosaso.

Shaqo ka joojinta duqa ayaa sidoo kale lala xiriiriyay in ay qeyb ka tahay tallaabooyinka madaxweynaja Puntland kaga jawaabayo dhacdadii xabsiga Bosaso.

Warar aan helnay waxay sheegayaan in madaxweyne Deni uu aad uga carrooday dayaca amni ee Bosaso iyo wada shaqayn la’aan ka dhex taagnayd hay’addaha maamulka heer gobol iyo heer degmo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]