7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 10, 2021
Qaraxii labaad oo ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Arbaco, Maarso, 10, 2021 (HOL) - Qaraxan oo noqonaya kii labaad oo maanta oo kaliya ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa lagu waramayaa in lala eegtay gaari uu leeyahay guddoomiye ku--xigeenka degmada Yaaqshiid.

Qaraxan oo ka dhacay isla gudaha degmada Yaaqshiid ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh  oo soo gaaray dad shacab iyo askar isugu jira.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada degmada Yaaqshiid oo lagu magacaabo Cabdullaahi Shiiloow ayaa lagu waramayaa in uusan xiligaa la socon gaariga la bartilmaameedsaday.

Qaraxan ayaa imaanaya kaddib markii galinkii hore ee maanta qarax miino lala eegtay gaari ay la socdeen koox caafimaad oo dadka ka wacyigalisa khatarta cudurka Covid 19, waxaana ku dhintay qaraxaasi Darawalkii waday gaariga.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]