7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 10, 2021
Wafdigii Soomaaliya u malatayay dhegaysiga dacwadda badda oo gaaray magaalada Hague
 

Arbaco, Maarso, 10, 2021 (HOL) - Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya, Suleyman Maxamed Maxamuud, oo kamid ah wafdi dowladda Soomaaliya ugu matalaya ka qeyb qaadashada dacwadda badda, ayaa gaaray magaalada Hague oo ay ku taalo Maxkamadda Caddaaladda Aduunka ee ICJ.

Xeer ilaaliyaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay ku jiraan diyaar-garowgii ugu danbeeyay oo ay ugu diyaar garoobayaan ka qeyb qaadashada dacwada badda ee ay Soomaaliya ka gudbisay dowladda Kenya, taasoo sheegatay qeyb kamid ah badda Soomaaliya.

“Waxaa wafdigeenna ka yimid Muqdisho iyo qareennada matalaya Soomaaliya waxaan ku jirna diyaar-garowgii ugu danbeeyay. Ummadda Soomaaliyeed waxaan ka codsanaynaa inay noo soo duceeyaan,” ayuu yiri xeer ilaaliyuhu oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook-ga.

Muddo afar cishe ah ayaa ka harsan xilliga maxkamada caddaalada adduunka ee ICJ u qabatay in ay guda galayso dhegaysiga dacwadda ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya, taasoo ku beegan 15 march.

Kenya ayaa dhinaceeda diyaarsatay qareenno madax bannaan oo heer caalami ah, kuwaas oo ay u kiraysatay in ay Soomaaliya kaga guulaysato kiiska badda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]