7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 10, 2021
Dhageysiga dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo bilaabaneysa Isniinta toddobaadka danbe

 

Arbaco, Maarso, 10, 2021 (HOL) -  Maxkamadda Caadaalada ee fadhiggeedu yahay magaalada Hague ayaa sheegtay maanta oo Talaado ah in ay bilaabi doonto dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya  maalinta  Isniinta ah 15ka bishan Maarso.

Iyadoo laga taxadirayo COVID-19, maxkamaddu waxaa ay go'aansatay in ay dhageysgia dacwada u gasho qaab isku dhafan iyadoo qaar ka mid ah kaqeyb-galayaashu ay si toos ah u hor iman doonaan maxkamada halka kuwa kalana ay uga qeyb galin doonaan dhinaca Isgaarsiinta  ama Zuumka 

Dadka ayaa sidoo kale kala socon doona dhageysiga dacwada si toos ah shabakadda maxkamadda iyo marinnada kala duwan ee warbaahinta UN-ka, 

Jadwalka loogu talagalay dhageysiga

First round of oral argument

Monday 15 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Somalia)
Tuesday 16 March 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Somalia)
Thursday 18 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya)
Friday 19 March 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Kenya)

Second round of oral argument

Monday 22 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Somalia)
Wednesday 24 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya)

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]