7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 10, 2021
Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka oo ku geeriyooday magaalada Baydhabo

 

Arbaco, Maarso, 10, 2021 (HOL) -  Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed ku geeriyooday alle u ha u naxariisteen Maxamuud Maxamed Boonoow oo ka tirsanaa Golaha Shacabka.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa ka tacsiyeeyay geerida xildhibaanka, oo sidoo kale soo noqday Wasiir hore.

Sidoo kale Guddoonka Golaha Shacabka BJFS ayaa Uga tacsiyadeeyay Dhammaan xildhibaanadda Golaha iyo Bulshada Soomaaliyeed Geeridii Ku timid Xildhibaan Maxamed Maxamuud Boonoow.

Gudoonka Golaha Shacabka waxaa ay si gaar ah ugu tacsiyadeeyeen qoyskii, iyo qaraabadii uu ka geeriyooday  Xildhibaan Boonoow iyagoo ku tilmaamay in uu ka mid ahaa  raggii waaya aragga ahaa ee ku jiray Baarlamaanka Soomaaliya muddo dheer.

Marka laga soo tago marxuumka in uu ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka sidoo kale waxaa uu ahaa ganacsade siweyn loo garanayay deegaannada Koonfur Galbeed.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]