7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 10, 2021
Qarax khasaare dhimasho sababay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Arbaco, Maarso, 10, 2021 (HOL) -Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho lagula eegtay mid ka mid ah gaadiidka qeybta ka ah ka wacayglinta dadka khatarta cudurka Covid 19.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxan uu ku geeriyooday Darawalkii gaariga, sidoo kalana ay ku dhaacmeen qaar ka mid ah askartii ilaalada aheyd ee la soctay.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa markiiba gaaray qaar ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya oo bilaabay baaritaanno la xiriira qaraxa.

Waa markii ugu horreysay oo la bartilmaameedsado mid ka mid ah gaadiidka ku howlan ka wacyigalinta dadka khatarta cudurkan dunida ku faafay ee Coronavirus.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]