7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 10, 2021
Madaxweynayaasha Dowlad Gobolleedyada oo intooda badan saacadaha soo socda Muqdisho imaanaya

 

Arbaco, Maarso, 10, 2021 (HOL) - Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan inta badan madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada dalka, kuwaa oo ka qeybgalaya shir ay ku  baaqeen wakiilada caalamka kaasoo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu maanta oo gaaro magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale maalintii shaley yimid madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]

Dowladda Federaalka, Dowlad Gobollleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in toddoobaadka danbe uu shir uga furmo teendhada Afsiyooni oo ay amaankeeda sugayaan ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM.

Dhowr jeer oo hore waxaa dib u dhacay oo aan qabsoomin shirar is daba joog ah oo uu ku baaqay madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , hasse ahaatee dadaalo dheeraad oo ay ku bixyeen bulshada caalamka qabsoomida shirkan ayaa markii danbe suurtagalisay in dhinacyadu ogolaadaan ka qeybgalka shirkan oo ay garwadeen  tahay beesha caalamka

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]