7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 10, 2021
Dowladda Soomaaliya'' Weerarkii shalay ee Xalane wuxuu ahaa mid fuleynimo ah

 

Arbaco, Maarso, 10, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa weerar fulaynimo ah ku tilmaamtay madaafiicdii shalay lagu tuuray xarunta Xalane oo ay degan yihiin hay'addaha Qarramada Midoobey iyo wakiilada shisheeye ee ka howlgala dalka Soomaaliya.

Qoraal xalay ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri '' Weerarkan fuleynimada ah waa isku day la doonayo in lagu wiiqo taageerada muuqata ee bulshada caalamka iyo dadaalkooda ku aaddan dhismaha nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Weerarka hoobiyeyaasha ah ayaa cadeynaya iskudayada taagta daran ee argagixisada oo miciin biday in ay beegsadaan samafaleyaasha u yimid dalka si ay u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada gargaarka binu aadantinimo, kaddib markii ay u midoobeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay dalka uga sifeyn lahaayeen argagaxisadaas.

Qorsheyaasha mideysan ee geesinimada leh ee shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku wajahayaan argagixisada laguma weecin doono ficilladan fuleynimada ah ee ay soo maleegeen argagixisadu, sidoo kale kama niyad jabinayaan walaalaha iyo saaxiibada Soomaaliya inay sii wadaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin dalkeenna.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay kor u qaadday feejignaanta amni, iyadoo baaritaan dhammeystiran ku sameynaysa weerarkan hoobiyayaasha ah ee argagixisadu soo qaadday iyo duruufaha amni ee ku xeeran weerarkan.

Waxaan rabnaa inaan u xaqiijino bulshada caalamka iyo shaqaalaha samafalka in dowlada ay sii wadi doonto la shaqeynta daneeyayaasha ammaanka si loo xaqiijiyo badqabka samafaleyaasha caalamiga.

Madaafiicda lagu weeraray shalay xarunta Xalane ayaa dhinaca kale lagu soo beegay xili leysku diyaarinayo shirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka, Dowlad gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaa oo looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]