4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 1 , 2021
War laga soo saaray shirkii Ra'iisal Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta

 

Isniin, Maarso, 01, 2021 (HOL) - Kaddib kulan saacado badan qaatay oo ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble  iyo Midowga Musharixiinta ayaa leysku afgartay labo qoddob.

Shirka ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa qoddobada leysku afgartay warbaahinta la wadaagay afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu oo sheegay in lagu heshiiyay dhismaha Labo Guddi oo kala ah guddi ka shaqeeya qabsoomida dibadbax nabaddeed oo ka dhaca magaalada Muqdisho iyo Guddi kale oo baaritaan ku sameeya dhacdadii 19kii Feberaayo dowladdu isku hortaagtay dibadbax ay soo qabanqaabiyeen xubnaha Midowga Musharixiinta.

Guddiga hore ee qabanqaabada dibadbaxa ayaa waxaa ay kala yihiin Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xassan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud Filish, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Daahir Maxamuud Geelle iyo Mustafe Dhuxuloow.

Dhinaca kale guddiga labaad ee baarista dhacdadii 19kii Feberaayo oo u badan saraakiil ciidan waxaa madax u ah Sareeye Guut Bashiir Maxamed Jaamac [Bashiir Goobe]  iyadoo ay xubno ka yihiin  Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji, S Guuto Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare,  S Guuto Maxamed Cali Bariise,  G Dhexe Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud,  Xuseen Macalin Maxamuud

Kulankan oo soo dhamaaday  caawa fiidkii ayaa lagu sheegay in leysku afgaratay magacaabistan guddiyadan oo ay Midowga Musharixiinta u arkayeen kuwo muhiim ah.

Ra'iisal Wasaare Rooble ayaa  faray guddiyadan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u gudagalaan shaqooyinka loo idmaday.

Labada kulan ee is xig xigay ee dhaxmaray Ra'iisal Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ayaa u muuqda kuwa meesha ka saaray dareen markii hore ay bulshada Soomaaliyeed ka qabeen waxa ka dhalan kara kala aragti-duwanaashaha dowladda iyo xubnaha mucaaradka tan iyo wixii ka danbeeyay 8dii bishii Feberaayo ee sanadkan oo ku ekeyd mudo xileedka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]