4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 1 , 2021
Guddiga doorashooyinka heer federal oo ku baaqay shir degdeg ah oo lagu xallinayo tabashooyinka doorashada
 

Isniin, Maarso, 01, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa ugu baaqay golaha Wadatashiga Qaran ee dalka in ay deg deg isugu yimaaddaan, si loo xalliyo tabashooyinka kasoo laabtay heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020.

Warsaxaafadeed kasoo baxay guddiga doorashada, ayaa lagu soo dhoweeyay heshiiskii dhawaan ay wada galeen Midowga Musharixiinta iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsanaa is fahamka waxyaabihii dhacay.

Waxay ku boorriyeen in ay sii wadaan dadaallada la isugu soo dhoweynayo dhinacyada siyaasadda iyo daneeyayaasha kale ee doorashooyinka, si wadanka ay uga qabsoonto doorasho loo wada dhan yahay oo xor iyo xalaal ah.

Guddiga doorashooyinka ayaa dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka, ugu baaqay in ay fuliyaan heshiiskii doorashada ee 17 Sebteembar 2020 iyo in dhinacyada ay ku dadaalaan, qaybna ka qaataan isu soo dhoweynta dadka, lagana fogaado hadallada ku dhisan kala kaxaynta iyo qaybinta bulshada.

Guddiga doorashada, xalka kaliya ee marxaladdaan xasaasiga ah looga gudbi karo, wuxuu u arkaa qabsoomida doorasho loo dhanyahay, iyadoo guddiguna diyaariyey dhammaan habraacyadii doorashooyinka ee loo baahnaa.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]