4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 1 , 2021
Raysal Wasaare Rooble oo maanta markale la kulmaya Xubnaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha
 

Isniin, Maarso, 01, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in maanta markale uu kulan kula qaato magaalada Muqdisho xubnaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankan ayaa la sheegay inuu daba socdo kulankii dhawaan uu la qaatay xubanaha Musharaxiinta ee heshiiska aay ku wada gaareen Muqdisho si loo baajiyo banaanbaxyadii aay doonayeen iney sameyaan Midowga Musharaxiinta kaasoo aay qeybtana ka ahaayeen madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle.

Wararka soo gaaraya Shabakadda HOL ayaa sheegaya in kulanka maanta diirada lagu saari doono doorka Midowga Musharaxiinta aay ku yeelan doonaan wadahadallada la xiriira dhameystirka doorashooyinka dalka iyo dhaqan galinta heshiiskii 17-kii Septembar.

Beesha Caalamka ayaa horay baaqyo kala duwan ugu jeedisay Raysal wasaaraha Soomaaliya inuu ka qeyb qaato doorkiisa muhiimka ah ee ku aadan wadahadallada xubnaha midowga Musharaxiinta Soomaaliya iyo waliba hirgalinta doorashooyin ka qabsooma dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]