4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 9 , 2021
Maxkamada ciidamada Puntland oo soo gabagabaysay dacwadda racfaan xubno Shabaab ah oo dil lagu xukumay

Arbaco, Juun, 9, 2021 (HOL) - Maxkamada racfaanka ee ciidamada qalabka sida Puntland ayaa soo afmeertay dhegaysiga dacwad racfaan qaadasho oo ay usoo gudbiyeen qareeno udoodaya rag dil lagu xukumay oo lagu sheegay in ay katirsan yihiin Alshabaab kana dambeeyaan qaraxyada iyo dilalka Gaalkcyo.

Xukumanayaasha maxkamada la horkeenay waxaa kamid ah xubno xeer ilaalintu ku sheegtay in ahaayeen horjoogayaashii amri jiray dilalka iyo qaraxyada laga fuliyo waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Qaar kamid ah Qareenada u doodaya xukumanayasha ayaa maxkamada ka sheegay in maxkamada darajada koowaad ay riday xukunno sharci darro ah islamarkaana xukumanayaasha qaarkood lagu qasbay in ay qirtaan dambiyo aysan galin kadib markii lagu sameeyay jir dil.

Xeer ilaaliyaha maxkamada ayaa beeniyay warkaas ay qareenadu maxkamada ka horjeediyeen, isagoo ku sheegay kuwa lagu suurad xumaynayo nidaamka caddaalada Puntland

Xeer ilaaliyaha ayaa maxkamada kusoo bandhigay muuqaallo laga duubay xukumanayaasha, isagoo sheegay in xukumane kaste uu qirtay dambigii uu galay oo qiraal ah iyadoo aan lagu sameynin wax xadgudub ah.

Maxkamada racfaanka ayaa la filayaa in ay illaa berito soo saarto go’aan kama dambeys ah oo ay ka qaadanayso dacwadda racfaanka loosoo gudbiyay. Waxaana laga yaabaa in ay usii gudubto maxkamada sare.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online