4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 9 , 2021
Guddiga qaban-qaabada maalmaha Xoriyadda iyo Hay'adaha amniga oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho


Arbaco, Juun, 9, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku wada yeeshay Guddiga qaban-qaabada maalmaha Xoriyada dalka iyo Hay'addaha kala duwan ee amniga dalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xaqiijin lahaa amaanka guud ee dalka gaar ahaan magaalada Caasimada ah ee Muqdisho maalmaha loo dabaal degayo Xoriyada dalka ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo oo nagu soo beegan maalmo kooban kadib.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay guddoomiyaha guddiga qabanqaabada maalmaha xoriyada dalka Cismaan Abuukar Dubbe, waxuuna warbixino ka dhageystay xubnahii ka socday Hay'adaha kala duwan ee amniga isagoona faray in loo diyaar garoobo xaqiijinta amaanka maalmaha xoriyada.

Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada maalmaha xoriyada dalka Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay inuu doonayo in sanadkan si ka duwan sanadahii hore in loo weyneeyo u dabaal dega maalmaha xoriyada dalka 61 sano guurada kasoo wareegatay markii ugu horeysay ee dalka Soomaaliya Calan la taago oo aheyd 26-Juun-1960-kii.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]