4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 5 , 2021
Booliiska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho
 

Sabti, Juun, 5, 2021 (HOL) - Booliiska Soomaaliya ayaa ka hadlay qarax xoogan oo khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh geystay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidamada Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe ayaa sheegay in qaraxa maanta uu ka dhacay meel aad u mashquul badan oo Boosteejo ah iyo waliba suuq weyn oo lagu iibiyo Hilibka iyo Malaayga oo ku yaala agagaarka isgoyska Ex-koontarool Afgooye.

Afhayeenka ayaa sheegay in qaraxa aay ku dhinteen laba qof oo mid ka mid ah tahay haweney, halka qofka labaadna uu yahay qofkii is qarxiyay waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya ilaa 28 ruux oo dhamaantood shacab ahaa.

Majirto ilaa hadda cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyada qaraxii maanta ee uu fuliyay qof naftii hure ahaa oo isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa aay ku rakiban yihiin.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]