7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 28, 2021
Alshabaab oo xukun dil ah ku fuliyay lix qof oo ay ku eedeeyeen basaasnimo
 

Isniin, Juun, 28, 2021 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa meel fagaare ah ku toogatay lix qof oo ay haweenay ku jirtay oo lagu eedeeyay in basaasiin u ahaayeen sirdoonka Maraykanka, sida lagu sheegay bayaan kooxda kasoo baxay.

Toogashadan ayaa ka dhacday degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe halkaas oo ay isugusoo baxeen boqolaal dadweyne  oo  usoo daawasho tagay xukunka lagu fulinayay dadkan.

Alshabaab waxay sheegtay in ay dadkan kasoo qabteen deegaanka Kuunyo Barroow halkaas oo sanadadii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen duqeymo ay geysanayeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Qaadiga Maxkamadda Jubbooyinka oo goob fagaare ah ka akhrinayay xukunka ayaa sheegay in dhammaantood ay qirteen waxyaabaha lagusoo eedeeyay oo ahaa in ay indha u ahaayeen diyaaradaha Mareykanka.

Dadka Alshabaab xukunka dilka ku fuliyeen ayaa lagu kala magacaabaa, Cumar Cabdul Qaadir Hiiraale, 36 jir, Cabdi Xasan Axmed, 29 sano jir ah, Fartuun Cumar Abkow, 36 sano jir iyo Ibraahim Cumar Cali, 55 sano jir ah.

Ma ahan markii ugu horaysay oo Alshabaab dad u dilaan basaasnimo. Sanad kaste dad badan ayaa meelo fagaare ah lagu toogtaa, iyagoo lagu eedeynayo dambiyo kala duwan oo ay basaasnimadu ugu badan tahay.

Dad horay uga tirsanaan jiray kooxda Alshabab oo gacanta lagu dhigay ama kasoo goostay ayaa sheegay xukunada adag ee Alshabaab ka fuliyaan deegaanadooda in ay uga dan leeyihiin cabsi galinta shacabka la nool.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online