4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 24, 2021
Puntland oo gacanta ku dhigtay Markab si sharci darro ah uga kalluumaysanayay xeebaha gobolka Bari


Khamiis, Juun, 24, 2021 (HOL) - Ciidanka Badda Puntland ee PMPF ayaa xeebta degmada Qandala ee gobolka Bari ku qabtay Markab si sharci darro uga Kalluumaysanaayey Badda Soomaaliya.

Sarkaal katirsan ciiddan badda Puntland oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Cafiis ayaa warbaahinta u sheegay in howlgal ciiddanku qaadeen 19-kii bishaan ay ku qabteen markabka oo ku sugnaa xeebta Qandala.

Sarkaalkan wuxuu sheegay in ay markabka la socdeen toban shaqaale ah islamarkaana aysan wax iska caabin ah kala kulmin markii ay gacanta ku dhigayeen.

Markabkan ma haysan wax sharciyad ah oo kaga kalluumaysanayay xeebaha Soomaaliya , waxaana uu qeyb ka yahay boqolaal maraakiib ah oo maalin walba jarriif ku haya kheyraadka badda Soomaaliya.

Sanadkan bilowgiisii ayay ahayd markii maamulka Puntland uu gacanta ku dhigay toban doonyood iyo shaqaalihii la socday oo si sharci darro ah uga kalluumaysanayay xeebaha Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online