4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 24, 2021
Ciidanka TPLF oo soo riday diyaarad dagaal, lana wareegay magaaloyin cusub
 

Khamiis, Juun, 24, 2021 (HOL) - Ciidamada Falaagada TPLF ayaa la sheegay iney la wareegeen xarunta Raadeerada ee la socodka duulimaadyada gobolka Tigray.

Warbaahinta ayaa tabineysa in dagaalka markale qarxay ee u dhaxeeya Militariga dalka Itoobiya oo garab ka helaya kuwa Ereteria iyo ciidamada Falaagada Tigrayga inuu ka dhashay khasaara badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Deegaanka aay la wareegeen ciidanka Falaagada ayaa lagu magacaaba Raaya, waxaana la sheegay in halkaasi diyaaradaha dalka Itoobiya duqeymo culus ka geysteen.

Saraakiisha TPLF ayaa sidoo kale sheegatay iney soo rideen diyaarad ay leeyihiin Militariga dowladda Itobiya taasoo nooceedu yahay C-130 Hecules.

Diyaaradaha Itoobiya ayaa la sheegay iney duqeyn ka geysteen Suuq ku yaala magaalada Makelle, waxaana la sheegay iney ku dhinteen dad gaaraya 43 ruux.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada TPLF aay qabsadeen Saldhigyo kale oo aay haysteen saacado kooban dabadeedna aay isaga baxeen si aanan loogu duqeynin.

Dagaaladan dib uga bilawday gobolka Tigray ayaa imaanaya xili gobolkaasi aay ka taagneed xaalad Bani'aadanimo midka ugu daran waxaana markale halkaasi dib uga bilaawday barakac xoogan oo ay sameynayaan dadkii ku harsana deegaanada gobolkaasi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]