4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 23, 2021
Dagaalo culus oo dib uga bilaawday gobolka Tigray ee dalka Itoobiya
 

Arbaco, Juun, 23, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya gaar ahaan gobolka Waqooyi ee Tigray ayaa sheegaya in halkaasi uu dib uga bilawday dagaal u dhaxeeya ciidamada dowlada dalkaasi iyo ciidamo Falaagada.

Ciidamada Falaagada Tigray ee TDF ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen dhowr magaalo oo ka tirsan gobolka Tigray, sida BBC-da u sheegeen dad goobjoogayaal ah oo sheegay iney arkeen ciidamada oo roondo sameynaya.

Militariga dowladda Itoobiya ayaa beeniyay wararkan la xariira in dagaalyahanada Falaagada aay dib u qabsadeen magaalooyin badan oo ku yaala gobolka dhaca Waqooyiga dalkaasi ee Tigray.

Dagaalkan dib uga soo cusboonaday gudaha Itoobiya ayaa la sheegay inuu yahay dagaalkii ugu cuslaa ee dhaca waxii ka dambeyay bishii Nofeembar ee sanadkii lasoo dhaafay, xiligaas oo aay dowladda Itoobiya shaacisay iney ku guuleysatay dagaalkii ka socday gobolka Tigray.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]