4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 22, 2021
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka digay ku dhaqanka Sharuuc ay ansixisay Xukuumadda Soomaaliya
 

Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa digniin kasoo saaray ku dhaqanka sharuuc iyo dhismaha hey'addo sharci darro uu ku sheegay oo aanan soo marin Aqalka Sare.

Guddoomiye Cabdi Xaanshi ayaa soo saaray qoraal uu kaga digaayo arrimahaasi oo uu ku sheegay in ilaa lix sharci iyo hey'addo la ansixiyay mudadii aay jirtay Xukuumada Raysal wasaare Rooble, islamarkaana uu ku tilmaamay iney yihiin kuwa sharciga baalmarsan.

Waxaa sidoo kale ka mid ahaa qoraalka guddoomiyaha Aqalka sare in la ilaaliyo Dastuurka dalka oo aanan lagu xadgudbin.

Hoos ka akhriso qoraalka guddoomoyaha Aqalka Sare oo dhameystiran.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]