4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 22, 2021
Ciidanka xoogga dalka oo sheegay in ay gobolka Shabeeladda dhexe ku dileen 17 dagaalame oo Shabaab ah
 

Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Afhayeenka ciidanka xoogga dalka, G/sare Cali Xaashi Cabdi ayaa sheegay in ay ciidamada dowladdu dagaallo shalay ka dhacay gobolka shabeeladda dhexe ku dileen 17 katirsan dagaalamayaasha Alshabaab.

Afhayeenka oo la hadlayay warbaahinta ku hadasha afka dowladda, ayaa sheegay in ay hadda dagaallo ka socdaan deegaano kala ah, Cali Fool dheere, Qurrac madoobe iyo dhul kale oo kayn ah.

G/sare Cali Xaashi Cabdi, wuxuu sheegay ciidamadu in ay ka go’an tahay in ay Shabaab ka xoreeyaan deegaanadaas oo ay muddo dheer maamulayeen.

Dadka deegaanadaas ku noolaa ayaa isaga barakacay guryahooda, kadib markii ciiddanka dowladda ay madaafiic ku garaaceen. Lama oga in dad shacab ah khasaare kasoo gaareen, inkastoo afhayeenku sheegay in ay shacabka ku wargaliyeen in ay isaga qaxaan.

Waa howlgalkii ugu dheeraa oo ay ciidamada dowladda ka fulinayaan gobolka Shabeeladda dhexe, oo kamid ah meelaha ay aad ugu xooggan yihiin Alshabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online