4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 22, 2021
Isbahaysiga mucaaradka Somaliland oo shaaciyay musharixiinta ay u xusheen doorashada shirgudoonka wakiilada
 

Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani, ayaa Cabdirisaq Khaliif Axmed u sharaxay doorashada shirgudoonka wakiilada halka gudoomiye ku xigeenka ay ka dhigeen Cumar Jaamac Faarax.

Cabdirisaaq Khaliif oo lagu wado in uu noqdo afhayeenka baarlamaanka cusub, ayaa xisbiga Waddani uga soo baxay gobolka Sool.

Cumar Jaamac oo isna lagu wado in uu noqdo gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada ee cusub, ayaa xisbiga UCID uga soo baxay gobolka Sanaag.

Xisbiyada isbahaysiga mucaaradka ee UCID iyo Waddani, oo hore ugu guulaystay jagooyinka mayorada badanka magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

Mucaaridka ayaa xusul duub ugu jira sidi ay ugu guulaysan lahayen jagooyinka gudoomiyaha wakiilada iyo gudoomiye ku xigeenka.

Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa isna Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo aha wasiirkii hore ee arrimaha dibada u sharaxay jagada shirgudoonka wakiilada.

Waxa la saadalinayaa in ay xisbiyada mucaaradka Somaliland ku guulaysan doonaan jagooyinka shirgudoonka wakiilada madama oo ay isbahaysteen.


Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online
[email protected]