4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 22, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya guddoomiye Waaxeed lagu dilay degmada Deyniile
 

Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Dableey Bastoolado ku hubeysnaa ayaa xalay waxay degmada deyniile ee gobolka Banaadir ku dileen guddoomiyahii Waaxda Kurdamac ee degmada Deyniile Cabdi Cabdulle Cismaan oo loo yaqaanay Cabdi Juge.

Allah u naxariiste marxuumka ayaa la sheegay in kooxda hubeysneyd aay rasaas badan kala dhaceen marxuumka qeybaha sare ee jirkiisa taaso keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo.

Maamulka deggmada Deyniile ayaa sheegay in ciidamada amaanka degmadaasi aay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah ragii dilka u geystay guddoomiye Cabdi Juge.

Xalay ayay aheyd markii sidoo kale degmada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kooxo Bastoolado ku hubeysnaa aay dileen guddoomiyahii Ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan Faarax diir Cabdi Cali, iyadoo sadax qof oo kalana aay ku dhaawacmeen rasaastii lagu dilayay xili uu fadhiyeen goob maqaaxi ah oo aay shaah ka cabaayeen, mana jirto ilaa hada cid loo soo qabtay dilkaasi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]