4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 22, 2021
Qaramada Midoobay oo sheegtay Xadgudubyada ka dhanka ah carruurta ku nool Soomaaliya iyo kuwa dalal kale in ay aad u kordheen

Talaado, Juun, 22, 2021 (HOL) - Warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in xadgudubyada lagula kaco carruurta ku nool wadamo ay Soomaaliya kamid tahay, ay yihiin kuwo si aad ah looga argagaxo.

Warbixintan oo sanadle ah oo la sii daayay Isniintii shalay, ayuu UN-ku ku sheegay in ugu yaraan 19,379 carruur ah ay dhibanayaal u noqdeen xadgudubyo waaweyn oo isugu jira askarayn iyo kufsi.

“Iska horimaadyada hubeysan iyo tixgalin la’aanta sharciga caalamiga ah ee bini’aadamnimada iyo sharciga caalamiga ee xuquuqda aadanaha ayaa saameyn ba’an ku yeeshay ilaalinta carruurta, ”ayaa lagu yiri warbixinta.

Sida lagu sheegay warbixinta, tirada ugu badan ee xadgudubyada halista ah waxaa laga diiwaan galiyay Afghanistan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC), Soomaaliya, Suuriya, iyo Yemen.

In ka badan 8,400 oo carruur ah ayaa lagu diley ama lagu dhaawacay dagaallada socda waddamadan. Ku dhowaad 7,000 oo kale ayaa loo qorey askarayn dalalka DRC, Soomaaliya, Suuriya, iyo Myanmar.

UN-ka ayaa sheegay in cudurka coronavirus uu sii xumeeyey nuglaanta oo ay ka mid tahay caqabad ku noqoshada helitaankooda waxbarasho, caafimaad iyo adeegyada bulshada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online