4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 21, 2021
Golaha deegaanka magaalada Buuhoodle oo mayor u doortay haweenay
 

Isniin, Juun, 21, 2021 (HOL) - Xubnaha cusub ee golaha deegaanka degmada Buuhoodle, ayaa mayor u doortay Khadiija Axmed Yuusuf halka ay mayor ku xigeena u doorteen Mustafe Cabdi Ayaanle.

Khadiija oo kasoo baxday xisbiga Kulmiye, ayaa noqonaysa gabadhii ugu horaysay ee mayor loo doorto guud ahaan Somaliland.

Khadiija ayaa kamid ahayd 3 dumar ka ah ee kaliya ee kasoo baxay 28 haween ah, oo u sharaxnaa doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiilada ee dabayaaqadii bishii hore ka qabsoomay Somaliland.

“Waxan balan qaadaya si hufnaan iyo daacad nimo ku jirto in aan ugu shaqeeyo dadkayga” sida waxa tidhi Khadiija kadib markii la doortay.

“Dowlad dayda waxan ka codsanayaa in ay sigaara iila shaqayso” ayay hadalkeeda sii raacisay Khadiija.

Xildhibaanada codka siiyay mayor Khadiija, ayaa sheegay in ay codka u siiyeen karti iyo hufnaan ay ku arkeen darteed.

Talaabadan ayaa ah mid aan hore uga dhici jirin guud golayaasha deeganada Somaliland, waxayna Khadiija noqonaysa gabadhii ugu horaysay ee mayor loo doorto.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]