4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 21, 2021
Wasiir Sacad "Soomaaliya taariikh deena ma hayso ee waa in aynu gaadhsina"
 

Isniin, Juun, 21, 2021 (HOL) - Wasiirka maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in Soomaaliya ka mid tahay waddamada loo bahanyahay in Somaliland la baro.

Wasiirka ayaa sheegay in loo bahanyahay in qadiyada iyo taariikhda Somaliland la gaadhsiiyo ururo iyo dowlado Soomaaliya kamid tahay.

"Cida ugu horaysa ee aynu u bahanahay in aynu qadiyadeena gaadhsiina waa Soomaaliya" ayuu yidhi.

"Soomaaliya taariikhdeena ma hayso marka waa in aynu gaadhsiino" ayuu hadaliisa ku daray.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ay doonayaan in ay qadiyada Somaliland gaadhsiiyaan ururka AU ee Afrika iyo Qaramada midoobay.

Waa markii ugu horaysay ee Somaliland sheegto in ay taariikhda iyo qadiyada Somaliland barayaan dowlada Soomaaliya.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online
[email protected]