4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 20, 2021
Diinsoor : 24 ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Diinsoor
 

Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay dileen ku dhawaad 24 ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Alshabaab, kadib howlgal ka dhacay degmada Diinsor gobolka Bay ee koonfur galbeed.

Howlgalka ayaa yimid kadib markii xalay ururka Alshabaab ay 3 jeer isku dayeen in ay soo weeraraan saldhigyada ciidanka ay ku leeyihiin degmadaasi Diinsoor ee gobolka Bay ee Koonfur galbeed.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga ayaa Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in weerarka Alshabaab kusoo qaaday halkaasi looga khaarijiyay 24 xubnood oo meydadkooda yaaliin goobihii howlgaladu ay ka dheceen,kuwa firxadka ahna lagu raad joogo.

Degmada Diinsoor oo ah magaalo istratiiji ah ayaa khiyaas ahaan Baydhabo u jira 100 Km, waxayna ku taalaa xadka gobolada Bay, Sh. Hoose, Gedo iyo Jubbooyinka, halkaasi oo ay difaacyo xooggan ay ku leeyihiin cutubyo ka tirsan ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan talista qeybta 60-aad.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online