4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 20, 2021
Xisbiyada Mucaaridka oo ku guulaystey Gudoomiyaha iyo ku xigeenka degmada Laascaanood
 

Axad, Juun, 20, 2021 (HOL) - Gudoomiyaha degmada Laascaanood ayaa loo doortay Cabdiraxiin Cali Ismaaciil oo xisbiga Waddanì ka tirsan halka kuxigeena loo doortay Axmed Maxamuud Kawte oo ka soo jeeda xisbiga UCID.

Doorashadan oo ahayd mid aad loo sugayey ayaa saaka aroornimadii hore laysugu yimaaday xarunta Dawladda hoose iyadoo boqolaal dadweynaha magaalada ay ku sugnaayeen duleedada xarunta maadaama goobta doorashadu ahayd hoolka oo amaankiisa aad loo sugaayey.

Mashxarad iyo alalaas ayaa mar keliya isqabsaday waqooyiga magaalada markii ay soo baxday natiijada doorshadu, waxaana ka muuqatey in taageerayaasha duqa cusub ay u muuqdeen ku si aad ah isu soo abaabuley.

"Waxaan dareemayaa farxad aad u saraysa, waxaan u mahad celinayaa kuwii i doortay in aan xildhibaan noqdo iyo kuwa saaka ii doortay inaan hogaamiyo, waxaanse ka codsanayaa in aan la samayn wax dabaaldeg ah iyo rabshoba, nimcada waa lagu mahadiyaa ee laguma kibro" sidaa waxaa dadweynaha hortooda ka yidhi maayirka cusub oo uu garab taagnaa kuxugeenkiisa.

Si kastaba ha ahaatee doorashadan oo si aad ah isha loogu hayey ayaa qaar badan oo dadka siyaasadda odorosaa ay muujinayaan awooda xisbiga kulmiye oo u muuqata mid isbedel ku yimi.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laacaanood