4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 19, 2021
Doorshadii masuuliyiinta degmada Laascaanood oo baaqday xiisaddina ka dhalatay
 

Sabti, Juun, 19, 2021 (HOL) - Sagaal ka mid ah 13 xildhibaan ee golaha degaanka degmada Laascaanood ayaa saaka isugu yimi afaafka hore ee xarunta dawlada hoose si ay u yeeshaan kalfadhigii u horeeyey ee ay ku dooran lahaayeen hogaankooda, taas oo noqotay mid aan suuragelin.

Xarunta Dawlada hoose oo khamiistii aan soo dhaafnay lagu shaaciyey in ay maanta ka dhici doonto doorshada Duqa iyo kuxigeenka ayaan albaabada loo furin ciidna la dhigay taas oo sida ay sheegeen xildhibaanada badankoodu inaanay ka war qabin.

"Gudoomiyuhu waxa uu khamiistii nagu wargeliyey sabtida sagaalka xildhinaankii la waayo in albaabka laga xidhi doono, taasina waxa ay sababtay in aan saaka sideedii nimaadno, waxaana la kulanay ciidan" sidaa waxaa warbaahinta u sheegay Cabdirisaaq Cardoofe oo ah ninka ugu da'da weyn xildhibaanada.

Xildhibaanadan sagaalka ahaa oo dhamaantood la hadlay warbaahinta ayaa gudoomiyaha gobolka ku eedeeyey in uu ka dambeeyo baaqashada kalfadhiga golaha.

Kulankan oo si aad ah loo sugayey ayaa si aad ah loo hadal hayaa in musharax xisbiga Waddani uu haysto kalsoonida golaha taasaana hadalka suuqa lagu sheegayaa in ay sabab u tahay dib u dhaca doorashada, waxaana la saadaalinayaa in isbedel xisbiyaysan la filayo in uu golaha dhexdiisa ka dhoco.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood