4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 18, 2021
Maraykanka oo qiimaynaya in tobaneeyo ciidan ah dib loogu celiyo Soomaaliya
 

Jimco, Juun, 18, 2021 (HOL) - Pentagon-ka ayaa diyaarinaya soo jeedin ah in tababarayaal ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran loo soo diro Soomaaliya si ay uga caawiyaan ciidamada Soomaaliya ee la dagaalamaya Al Shabab.

Tallaabadaan ayaa kusoo beegmaysa kadib ka bixitaankii lama filaanka ahaa ee madaxweynihii hore Maraykanka Donald J. Trump uu ku dhowaad 700 askari uga saaray Soomaaliya bishii Janaayo ee sanadkan.

Ma cadda in Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu oggolaan doono qorshahaas.

Taliya ciidamada howlgalada gaarka ah ee Mareykanka ee Afrika, Maj. Gen. Dagvin R.M. Anderson, ayaa hoosta ka xarriiqay in Al Shabab in ay heshay xorriyad dheeri ah oo ay ku dhaqaaqi karto.

Saraakiisha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa sheegaya in haddii aan la helin tababar joogta ah ay hoos u dhici doonto wax ku oolnimada dagaalka ciidamada Soomaaliya ay kula jiraan Alshabaab.

Maraykanka ayaa hoos u dhigay duqeymihii Alshabab, kadib markii adkeeyay hubinta in howgallada ciidamada Maraykanka aan dad rayid ah la dili doonin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online