4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 18, 2021
Korneel Cali Xaanshi " Howlgalada gobolka Sh/dhexe waxaan ku dilnay 30 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab"
 

Jimco, Juun, 18, 2021 (HOL) - Kadib howlagalo qorsheysan oo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayay ku sheegeen iney ku dileen saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan xoogaga Al-shabaab.

Howlgalada ayaa la sheegay iney ka dheceen xoogooda deegaanka lagu magacaabo Jalable ee gobolka Sh/dhexe halkaaso oo la sheegay iney dagaalo qaraar ku dhexmareen ciidamada Kumaadooska Gorgor iyo kuwa Al-shabaab.

"Dagaalada aay ciidanka Kumaadooska Gorgor la galeen Shabaab waxay ka keeneen guulo la taaban karo, islamarkaana waxay ku dileen 30 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo aay ku jiraan xubno sar sare oo ka mid aha dagalamayaasha Shabaab oo uu ka mid yahay sarkaal lagu Magacaabo Jaamac Dheere" ayuu yiri Korneel Cali Xaanshi Afhayeenka Ciidanka Xoogga dalka.

Afhayeenka ciidanka ayaa sheegay in howlgaladan aay qeyb ka yihiin sidii Shabaab looga saari lahaa deegaanada aay kaga sugan yihiin gobolka Sh/dhexe, isagoona intaa ku daray iney sii socon doonaan howlgalada ilaa Shabaab laga saarayo deegaanada Hirshabeele iyo guud ahaan gobolada dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]