4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 17, 2021
Somaliland oo sheegtay in ay waraaqo u kala dirtay caalamka
 

Khamiis, Juun, 17, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Somaliland ay waraaqo u dirtay caalamka si loo iib geeyo doorashooyinkii qabsoomay.

Wasiirka ayaa sheegay in doorashooyinkii Somaliland ka dhacay uu caalamku aad u amaanay sida darteedna caalamka laga iibin doono.

"Warbixin ay dowladaha Yurub oo dhami doorashada kasoo saareen, aad iyo aad ayay u amaaneen" ayuu yidhi wasiirku.

"Dowladaha gobolkan oo qaar kood doorasho ka qabsoomi doonto waxa lagu yidhi "waa in aad qabataaan doorashooyinki Somaliland oo kale".

"Dowladu hada waraaqo ayay uwada qortay dhamaan hay'adaha caalamiga ah, sida Qaramada midoobay, Jamacada carabta, Midowga Africa iyo Igad" ayuu hadalkiisa ku daray wasiirku.

Dhamaan goobjoogayaashi kormeerayay doorashooyinkii Somaliland, ayaa aad u amanay nidaamkii ay u dheceen doorashooyinkii deegaanka iyo wakiiladu ee Somaliland.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online
 [email protected]