4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 17, 2021
Madaxweynaha Galmudug oo soo gudbiyay liiska xubnaha guddiyada doorashada ee laga sugaayay
 

Khamiis, Juun, 17, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo gudbiyay liiska xubnaha guddiyada doorashada heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed ee laga sugaayay inuu soo gudbiyo.

Xubnaha uu soo gudbiyay madaxweyne Qoorqoor ayaa isugu jira sadex xubnood oo ah guddiyada heer dowlad goboleed iyo heer Fedaraal iyo xubin ka mid ah xalinta Khilaafaadka.

Magacaabista xubnahan ayaa imaaneysa xili shalay uu Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya ka dalbaday madaxweynaha Galmudug inuu soo dedejiyo soo gudbinta liiska xubnaha guddiyada doorashada, iyadoo ugu dambeyna maanta uu soo gudbiyay madaxweyne Qoorqoor liiskii laga dalbay soo gudbintiisa.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]