4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 17, 2021
Xukuumadda oo shaacisay wadahadal khadka Taleefanka ku dhexmaray Rooble iyo Qoorqoor
 

Khamiis, Juun, 17, 2021 (HOL) - Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay iney rajo wanaagsan ka qabto inuu si deg deg ah kusoo gudbiyo madaxweynaha maamulka Galmudug liiska guddiga doorashooyinka dowlad goboleedka Galmudug.

Shalay ayay aheyd markii Xukuumadda Soomaaliya sheegtay in madaxweynaha Galmudug uu lasoo daahay soo gudbinta liiska laga sugaayay, islamarkaana aay ka dalbatay inuu soo dedejiyo soo gudbinta liiska guddiyada doorashada maamulka Galmudug.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye inuu soo gudbiyo liiska guddiga doorashooyinka Dowad Goboleedka Galmudug ee wax ka badalka lagu sameeyay .

Waxaa la sheegay inuu wadahadal khadka telefoonka ku dhexmaray Raysal wasaare Rooble iyo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayuu Madaxweynuhu waxa uu xaqiijiyay Raysal wasaaraha sida ballankuba uu ahaa inuu soo gudbinaya liiska sida ugu dhaqsaha badan.

"Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxa uu door fiican ku lahaa howshii xasilinta Caasimadda iyo Hishiiskii ay dhawaan Madaxda Dowlad Goboleedyadu ku saxiixeen Muqdisho kaas oo dalka u jiheeyay doorasho" waxaa sidaasi lagu yiri qoraal bartiisa Facebook uu soo dhigay Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibrahim Macalimuu.

Gabagadii maamulka Galmudug ayaa noqonaya maamulka kaliya ee ku dhiman tahay soo gudbinta liiska guddiyada doorashooyinka dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]