4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 16, 2021
Somaliland iyo Taiwan oo kala saxeexday heshiis caafimaad


Arbaco, Juun, 16, 2021 (HOL)- Somaliland iyo Taiwan ayaa kala sexeexday heshiis caafimaad oo dib loogu casriyaynayo isbitaalka guud ee  Hargeysa, isla markana lagu keenayo dhakhatiir Taiwanese ah.

Warbixin laga soo saaray heshiiska ayaa lagu yidhi" Heshiiskan waxa si weyn loogu casriyeyn doonaa Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, Sidoo kale waxa Cisbitaalka ka hawl-gali doona dhakhaatiir waaweyn oo dalka Taiwan ka socda oo si rasmi ah uga shaqayn doona Cisbitaalka".

Labada dhinac ayaa sidookale kala sexeexday in Taiwan ay tababarto boqolaal howl wadeeno caafimaad ah isla markaana maal galiso dhismayaal cusub oo lagu kordhindoono isbitaalka wayn.

Waxa kale oo lagu heshiiyay in Taiwan ay ka shaqayso horumarinta caafimaadka guud ee Somaliland.

Wajiga koobaad ee heshiiska ayaa socon doona mudo 5 sano ah kadibna dib u cusboonaysiin ayaa lagu samayn doona.

Dhinaca Somaliland waxa heshiiska u saxeexay wasiir ku xigeenka Arrimaha dibada Libaan Yusuf Cisman dhinaca Taiwan na wasiirka arrimaha dibada Joseph Wu.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan online
 [email protected]